Cadaado (Caasimada Online) – Guddiga qabanqaabada Doorashada maamulka Galmudug, ayaa goordhow shaaciyay xiliga la qaban doono Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Saciid Xasan ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug ay dhici doonto 19 Bishaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in Doorashada aysan ka dib dhicin wakhtiga loo qabtay waxa uuna tilmaamay in Doorashadu ay noqon doonto mid ku dhacda si cadaalad ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in C/kariin Guuleed uu yahay Hogaamiye hore balse xilka ay ka qaaden Xildhibaanada, sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta is diiwaan galisay looga baahan yahay inay ilaaliyaan xilkooda.
Dhinaca kale, Doorashada ayaa lagu wadaa inay ka dhici doonto magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]