Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu weli taagan yahay Khilaafka ka dhexeeya Odayaasha Dhuusamareeb iyo Cadaado, ayaa waxaa goordhow arrintaasi mowqif adag kasoo saaray Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Maxamed Xaaji Xuseen oo ah Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo mowqifka maamulkiisa ka hadlaayay, ayaa sheegay in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabanaayo shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen waxa uu meesha ka saaray in uu wax u dhimo karo go’aanka Odayaasha ku shiraya Dhuusamareeb ay kaga soo horjeesteen in Cadaado ay martigaliso Shirka.
Nuqul kamid ah hadalka wasiirka ayaa ahaa “DF ayaa iska leh go’aanka halka lagu qabanayo Shirka iyada ayaana sheegtay in uu Cadaado ka dhacayo waana uu ka dhacayaa, maaha in Madaxdu ay noqoto kuwo aan laheyn go’aan”
Madaxweynaha Somalia ayaa booqashadiisii hore ee Dhuusamareeb iclaamiyay in Shirka maamul u sameynta uu ka dhacayo Magaalada Cadaado taasi oo ay ka horyimaadeen Beelaha Gobolka oo ku dhawaaqay in gogasha ay ka furan tahay Dhuusamareeb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

