Xiriirka K/Cagta England oo soo jeediyey in la duubo wararka ay is dhaafsadaan Garoorayaashu.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Ingiriiska David Bernstein ayaa u ololeynaya macquul ahaanshiyaha in la duubo wax yaabaha ay ku wada hadlaan garoorayaasha iyo ciyaartoydu inta ay socoto ciyaartu ka dib iska hor imaadkii Mark Clattenburg.

Garooraha Premier League-ga Clattenburg ayaa lagu heystaa inuu hadalo aan habooneyn u adeegsaday ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea John Obi Mikel intii uu socday kulankii Manchester United ee isbuucii lasoo dhaafay, laakiin garooraha ayaa beeniyey waxa loo heysto.

Hada, Garooraha, caawiyeyaashiisa iyo kan afaraad ee rasmiga ah ayey mid walba isku maqli karaan Mikrafoonka laakiin waxa ay ku wada hadlaan lama duubo.

Garsoorihii hore Keith Hackett ayaa axadii soo jeediyey in dhibaatadaan la xaliyo sida ugu dhaqsaha badan, Bernstein ayaana rumeysan in dhibkaan xal loo helo.

“Garooruhu wuxuu la hadli karaa caawiyeyaashiisa iyo garooraha afaraad ee rasmiga ah wayna ka warqabaan waxa lagu wada hadlo, balse lama duubo,” ayuu yiri Bernstein oo la hadlaayey BBC Radio Five Live’s Sportsweek programme

“Si ay u dhacdo in la duubo, waa in xiriirka garsoorayaasha oo ay xukunto FA-ga, Premier League iyo Football League ay soo jeediyaan in sidaasi wax la yeelo.

“Ka waxey u baahnaan doontaa in la horgeeyo FIFA iyo ururka wax ka bedela sharciyada kubada cagta ee IFAB si ay u ansixiyaan.

“Qorshahu wuxuu qaadan karaa waqti dheer waana in laga taxadaraa. Waa mid ka mid ah wax yaabaha ugu waa weyn IFAB mana ahan in loogu boodo fursada si dhaqso ah.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.