Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ayaa waxaa looga dhawaaqay Xisbi Cusub oo kusoo biiray Xisbiyada Dalka ka jira.
Xaflada dhidibada loogu aasayay Xisbigaani, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin horay uga kala tirsanaa Labada Gole ee DF Somalia, Siyaasiyiin iyo waxgarad lagu marti galiyay waxaana halkaasi Khudbado kala duwan ka jeediyay Maamulka Cusub Xisbiga iyo tiro Mas’uuliyiin lagu marti galiyay Xaflada.
Xisbigaani Cusub ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Kulan, waxaana gudoomiyaha xisbigaasi loo doortay Cabdiqaadir Maxamed Cismaan (Barnaamij), iyadoo gudoomiye ku-xigeenka Xibigaan loo doortay Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim.
Cabdiqaadir Maxamed Cismaan oo Xaflada ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga uu yahay mid aan Ujeedkiisu aheyn in lagu carqaladeeyo Siyaasada dalka, balse loo aasaasay in wax looga bedelo dul-duleelada Siyaasada.
Wuxuu sheegay in xisbigooda uu u taagan yahay ka qeyb galka siyaasadda dalka, iyo sidii wadanka looga saari lahaa dhibaatooyinka siyaasadeed ee hareeyay, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu ku baaqay in garab lagu siiyo Siyaasada uu dalka kusoo dabaalaayo Xisbiga waxa uuna balanqaaday inaan faragalin lagu sameyn doonin Amuuraha dalka.
Ku dhawaaqida Xisbigaani ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyadoo baryihii dambe Dalka Somalia looga dhawaaqayay Xisbiyo kala fakir duwan waxa uuna qeyb ka noqonayaa Xisbiyadaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]