24.6 C
Mogadishu
Thursday, August 14, 2025

Xisbi ka dhisan Somaliland oo ku hanjabay inuu ridayo madaxweyne Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Onlin) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Kaah ee Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si adag uga hadlay xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo kasii dartyay bilihii ugu dambeeyay.

Maxamuud Xaashi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku goodiyay in ay ridi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana doorashada soo socoto ay horseed u noqon doonaan inuu waayo madaxtinimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay adeegsan doonaan cid kale oo uusan carab baabin, si kursiga looga qaado Madaxweyne Xasan oo uu eedeeyay inuu kala qaybinayo Somailand.

Waxaa kale oo uu xusay in aanu sii socon doonaan dagaalka gobolka Sool, ayna usoo jeesan doonaan in meesha la tuuro Madaxweynaha Soomaaliya.

“Gacan tobnaad ayaan ku aargoosan naqaan, Xasan Sheekh wuu arki doonaa raggaanu nahay, dagaalku Sool ka jiri maayo, wuu arki doonaa markaanu kursiga waddo ka marinno” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Kaah ee ka dhisan Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka guuleysan doonaan, ayna difaaci doonaan midnimada Somaliland.

“Difaaca, wadajirka iyo midnimada ummaddayada dhiig ayaynu u shubaynaa, bulshadeenna layskuma diri karo, Somaliland-na waa qaran la yaqaan xadka iyo juquraafiyadda uu leeyahay.” ayuu mar kale yiri Guddoomiye Maxamuud Xaashi Cabdi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Somaliland ay aad uga carootay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dowladda federaalka, gaar ahaan dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee looga dhawaaqay Laascaanood, waxayna taas sii hurisay xiisadda labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News