26.2 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Sawirro: Xisbiga JSP oo ku dhawaaqay musharaxooda gobolka Banaadir

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta bandhig wayn ka sameeyay gudaha caasimada, kaas oo uu ku muujinayo awooddiisa, maadaama dhawaan ay bilaaban doonaan ololaha doorashooyinka qof iyo codka ah.

Xisbigan oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda iyo kuwa maamul-goboleedyada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay musharraxooda gobolka Banaadir, waxaana u sharraxan guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xisbiga ku metali doono tartanka doorashada ka dhacaysa gobolka Banaadir.

Muungaab, oo haatan ah guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, ayaa ku caan baxay dadaalladii uu ku soo celiyay shaqadii iyo muuqaalka caasimadda kadib burburkii dagaallada sokeeye, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ururku.

“Intii uu xilka hayay, wuxuu dib u dhisay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo sutada u dhigay saldhig adag oo maamulka iyo adeegyada ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu lasii raaciyay “Ku soo noqoshadiisa xilkan mar kale ayaa lagu tilmaamay mid xoojisay qorshaha dowladda ee ah in la helo hoggaan karti, waayo-aragnimo, iyo kalsooni bulsho leh. Muddadii uu xilka hayay, Dr. Muungaab wuxuu ku guuleystay inuu si muuqata u dhaqaajiyo mashaariic horumarineed, dib-u-habeyn adeegyo dadweyne, iyo qorsheyaal lagu soo celinayo sumcadda Muqdisho ay ku lahayd dunida”.

Sidoo kale,  Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in kalsooni wayn ay ku qabaan hoggaaminta guddoomiye Muungaab, ayna garab istaagi doonaan, si uu mar kale u hanto xilka.

Tani ayaa soo afjareysa hadal-heyntii ka taagneyd cidda noqoneysa musharraxa ururka ee gobolka Banaadir, maadaama siyaasiyiin waa wayn ay kamid yihiin ururkan, kuwaas oo xilal muhiim ah soo qabtay, waxaana kamid ah guddoomiyihii hore ee gobolka, Yuusuf Madaale.

“Go’aankan ay qaateen hoggaanka Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa soo afjaray doodihii iyo saadaashii ku saabsanayd cidda matali doonta Xisbiga ee Gobolka Banaadir, waxaana uu muujinayaa isku duubni iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hoggaaminta Dr. Muungaab iyo himilooyinka Xisbiga ee isbeddel iyo midnimo bulsho” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka.

default

- Advertisement -

Read more

Local News