Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta lacag ku wareejiyay qaar kamid ah dhalinyaradii Bajaajleyda ee maalmahan u xirnaa dowladda, kuwaas oo maanta xabsiga laga sii daayay.
Ugu horreyn xisbiga ayaa soo dhaweeyay sii deysmada dhalinyaradan, isaga oo sidoo kale u muujiyay garab istaag wayn.
“Walaalaheenna haddii ay xirnaayeen waxay xirnaayeen iyaga oo sharaf leh, waxa lasoo daayay, iyaga oo sharaf leh” ayuu yiri mas’uulka u hadlay Xisbiga Himilo Qaran.
Sidoo kale, wuxuu ku wareejiyay isaga oo wakiil ka ah Sheekh Shariif lacag uu xisbiga ugu talagalay dhalinyaradan inay ku ciidaan, iyaga iyo carruurtooda.
“Waxaan u imaanay inaan garab istaag u muujino dhalinyaradan, sidaas daraadeed aniga oo wakiil ka ah madaxweynihii tododaad ee JFS Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xisbigiisa waxaan ku wareejin doonaa lacag xaqul-ciid ah, si ay ciyaalkooda ula ciideystaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Goor sii horreysay oo maanta ah Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sii deysay dhalinyaradan, kadib markii ay ku weysay wax dambi ah, sida ay sheegeen qaarkood oo la hadlay warbaahinta madaxa bannaan.
“Dambiga nalagu haystay waxaa waayay banaanbax aan qabanay oo aan ku ku diideynay qiimaha shidaalka oo kor u kacay, shicibka Soomaaliyeed oo dhib ku qabay dartood ayaan u sameynay” ayuu yiri yiri Saan Miyaa oo ka mid ah ragga asii daayay
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Maanta Maxkamadda Gobolka Banaadr ayaa nala geeyay ugu dambeyn waxay nasoo siisay xorriyadeenna, maadaama wax dambi ah nalagu waayey”.
Horay Booliska Soomaaliya ayaa dhalinyaradan usoo xir-xiray, iyada oo xarrigooda uu dhaliyay dhaleeceyn xooggan, waxaana cambaareeyay xubnaha mucaaradka oo siyaabo kala duwan uga hadlay beegsiga Bajaajleyda.

