25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Arrimo yaab leh oo ka socda hareeraha Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan la jaray waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa Madaxtooyada Somalia, kadib markii la sheegay in Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday ay soo foodsaartay cabsi.

Waddooyinka la jaray ayaa u badan kuwa xiga iridka danbe ee Villa Somalia iyo Waddada dhinacmarta Xarunta Baarlamaanka Somalia ee ka timaada dhanka Suuqa Degmada Howlwadaag.

Waddooyinka qaar ayaa waxaa la dhigay dhag-xaan aad u waaweyn, halka wadada hormarta Madaxtooyada laga bilaabo Sayidka ilaa Hooyooyinka laga sameeyay Askari jiifa oo aysan mari karin gaadiidka yar iyo weyn, waxaana dhibaatadaasi ka danbeeyay Taliyaha Ilaalada Xasan Sheekh, oo amar ka heysta Madaxweynaha.

Waddooyinka la jaray ayaa waxaa sidoo kale kamid ah wadada ka imaada Ceelgaabta ee gasha Madaxtooyada Somalia, halkaasi oo loo sameeyay ilaa laba barkoontarool oo mid ay fadhiyaan ciidamada Dowlada, halka Koontaroolka kale la dhigay bir jid goysmo ah.

Sidoo kale, Waddooyinka la jaray ayaa waxaa kamid ah Wadada hareer marta Hoteelka SYL ee kusoo dhacda Madaxtooyada Somalia, halkaasi oo gabi ahaan la jaray.

Madaxweynaha Somalia oo tan iyo markii ay soo dhawaatay Doorashada ololo qarsoodi ah ka dhexwaday Madaxtooyada Somalia, ayaa waxa uu walaac ka muujiyay habacsanaanta amniga Madaxtooyada.

Dadka qaar ayaa jarista waddooyinka ku micneeyay in Madaxweyne Xasan uu doonaayo in Madaxtooyada Somalia uusan ka dhexbixin haddii ay dhacdo in laga guuleysto Doorashada soo socta.

Jarista waddooyinka ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan uu cabsi ka muujiyay banaanbaxyo iyo foodooyin ay wadeen Musharaxiinta kasoo horjeeda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee Xasan Sheekh uu ka damacsan yahay Jaritaanka Waddooyinka soo gala Villa Somalia, waxa ayna dadku is weydiinayaan sababta iminka loo jaray waddooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News