27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Arrin halis ah oo deegaanada Somaliland laga soo sheegayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool magaalada hargeysa iyo deegaanada kale ee hoostaga maamulka Somaliland ayaa cabasho ba’an ka muujinaaya Oromada kusii xoogeysaneysa deegaanada maamulka.
Oromadaani ayaa ka ganacsata maqaayadaha, Goobaha shaaha lagu iibiyo, Nadaafada iyo Dukaamada iyaga oo xiliyada qaar u awood sheegta dadka.

Oromadaani ayaa u badan basaasiin u shaqeeya Hay’adda Sirdoonka ethiopia, iyaga oo xogaha ku shuba xarun ay Sirdoonka ethiopia ku dhex leeyihiin magaalada Hargeysa.

Guud ahaan tirada Oromada ku nool dhulka ay Somaliland ka arimiso ayaa gaaraya 2,500 kuwaasi oo gabi ahaan howlo shaqo halkaasi u jooga.

Sidoo kale, Oromadaani ku nool deegaanada maamulka Somaliland ayaa maalmaha Jimcaha ku kulma Xeebaha Somaliland balse maamulka Somaliland ayaan awoodin in howlaha Qoomiyadaasi ay wadaan faragalin ku sameeyan.

Dadka kasoo jeeda magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyay arrintaani, balse maamulka Axmed Siilaanyo, ayaan wali Jawaab ka bixin.

Ma cadda sida uu noqon doono masiirka Umadda Soomaaliyeed ee ku hoosnool maamulka Somaliland marba haddii uu arrinku sidaa yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News