26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Axmed Madoobe iyo GAAS oo u heshiiyay XASAN, qorshe cusub oo lagu degay V/Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka kala tirsan Wafdiga la kala socda Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, ayaa xaqiijiyay in labada mas’uul ay kulan aan caadi aheyn ku qaaten Villa Somalia heshiiska shirka madasha kadib.

Labada Madaxweyne Goboleed ayaa isla gorfeeyay Qodobada lagu kala saxiixday Shirka Madash ee Muqdisho kusoo idlaaday, waxaana la sheegayaa in si qoto dheer ay uga wada hadleen qaabka lagu soo xulaayo Xildhibaanada cusub.

Waxa ay isku raacen in Xildhibaanada lasoo xulaayo aysan awood Siyaasadeed siin Madaxweyne Xassan Sheekh oo shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan Xilkaasi.

Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas waxa ay isku raaceen in sidoo kale Odayaasha kasoo kala jeeda labada Maamul ay ku xukman yihiin inay ka amar-qaatan misna aysan u xaglin Siyaasada uu wato Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay isla garteen in deegaanada labada maamul si dhaqsi ah laga dhaqan galiyo Ururo ka shaqeeya Doorashada, waxa ayna isla fahmeen in Codadka Xildhibaanada Cusub ay yeelan doonaan Musharaxiinta kasoo jeeda labada maamul midkood.

Waxa ay isku fahmeen in dib ay uga wada hadlaan in labada maamul ay iska soo dhex xulaan hal Musharax oo ay xooga saaran sidii lagu gaarsiin lahaa kursiga Qaranka amaba uu ku noqon lahaa Madaxweynaha dalka.

Sidoo kale, waxa ay isla fahmeen in Xildhibaanada cusub ee lasoo xuli doono ay noqdaan kuwa u hogaansan wixii loo jideeyo islamarkaana adeecsan Siyaasada labada maamul Goboleed.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in labada Mas’uul ay qodobada qabyada ah ku dhameysan doonaan magaalooyinka Kismaayo ama Garoowe oo midkood ay ku kulmi doonaan maalmaha nagu soo aadan, si ay u gorfeeyan danahooda gaarka ah ee kaga aadan Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News