26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ku kulmaya Nairobi + Qorshahooda

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa inay sugu tegaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah, sida ay innoo xaqiijieen ilo wareedyo xilkas ah.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa qorshuhu yahay in kulankooda ay diiradda ku saaraan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeyo Dowladda Federaalka, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow Puntland.

Labada hoggaamiye oo la sheegay inay kasoo laabteen dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ku howlan dhex-dhexaadinta iyaga iyo dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka wada-hadlaya sidii loo wajihi arrinta, si xal waara oo kama dambeys ah loo gaaro.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo ku aadan sidii ay isfaham buuxa u gaari lahaayeen hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo soo afjaro xiisadda dhex taalla oo saameysay guud ahaan wada shaqeyntoodii.

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah wada-hadallada hosoe ee haatan socda, iyada oo weli ay taagan tahay baahida loo qabo xal waara oo laga gaaro khilaafaka dalka.

Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan Dowlad-Goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka.

Si kastaba, Dib-u-heshiisiinta lala gaaro Jubbaland iyo Puntland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

- Advertisement -

Read more

Local News