Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa iminka si hoose u socda ololaha doorasho ee la filaayo in Hal Madaxweyne lagu doorto si koox waliba ay isaga dhex aragto Muraayada Siyaasadeed ee kulmin doonta dhammaan Dowlad ilaa iyo maamul Goboleed.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxa uu kaalimaha koowaad kaga jiraan Mas’uuliyiinta wada ololaha doorasho, isaga oo hamigiisa kusoo koobay rajeynta in Somalia uu Madaxweyne ka noqdo shaqsiga uu isaga la doonaayo Kursiga Qaran.
Axmed Madoobe ayaa iminka u guda galay ololihiisa waxa uuna garab Siyaasadeed ka heystaa ilaa laba Dowladood oo kala ah Ethiopia iyo Kenya kuwaasi oo ay kala dhexeyso xiriir fog oo aan iminka lagu soo koobi karin qoraal.
Axmed Madoobe oo ka duulaaya Hamigiisa Siyaasadeed ayaa waxa iminka miiska u saaran Musharax C/wali Sheekh Axmed oo ah Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia.
Madoobe ayaa dadaal dheer galinaaya in C/wali Sheekh oo waxbadan kala socda Siyaasadda hadda taagan uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Somalia, isaga oo arrintaasi kala kaashanaaya Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, waxaana jira xog muujineysa in sidoo kale uu wato Musharax kale si midkood uu ugu dhawaado kursiga.
C/wali Sheekh Axmed ayaa mudada uu xilka hayay qorshooyin Siyaasadeed oo aan lasoo koobi karin u fududeeyay maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxa ayna tani daba soctaa qorshooyinkaasi.
Docda kale, waxaa jira Siyaasado hoose oo aan wali soo shaac bixin kuwaasi oo ay isla daadihinayaan Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, oo ku aadan arrimaha doorashooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]