Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Doolow, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulkaasi Axmed Madoobe uu Jeelka dhigay Odayaal ka qeybgalaayay Shirka ka socda Degmada Doolow.
Odayaashaani ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa Shan Oday oo iyagu isku dayay inay carqaladeeyan Shirka doolow oo xiligaani marayo Heer gabagabo.
Axmed Xaashi oo kamid ah Odayaasha Shirka ka qeyb qaadanayo ayaa sheegay in Odayaasha la xiray laga qabtay Doolow loona dhaadhiciyay Jeel ku yaala Magaalada Kismaayo, isagoona Carabka ku dhuftay inay isku dayeen in Odayaasha Shirka ay u wareejiyaan kan ka socda Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.
Odayaashani ayaa la sheegay in lagula kacay Jir dil, mana jirto cid ka hadashay arrintooda ilaa iyo hada, inkastoo uu iminka socdo dadaalo lagu sii deynaayo.
Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxaa ka socdo Shirweyne looga soo horjeedo kan ka socda Degmada Doolow, iyadoona ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]