24.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Xog: Axmed Madoobe iyo mucaaradka Xasan oo ku shiraya Nairobi + Qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Kulan siyaasadeed u dhexeeyo Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono xubno ugu miisaanka culus Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu u yeeray  Axmed Madoobe, iyaga ka wada-hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka taagan iyo arrimaha doorashooyinka 2026.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay si gaar ah isaga xog wareysan doonaan xaaladda guud ee dalka iyo tallaabooyinka ay tahay inay qaadaan, maadaama ay kasoo horjeedaan qorshaha Villa Soomaaliya ee uu hormuudka u yahay Xasan Sheekh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan ayaa hordhac u ah mid kale oo wayn oo la filayo inay yeeshaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Madaxweynayaasha maamullada Jubaland iyo Puntland, kaas oo looga hadli doono xaaladda sii cakirmeysa ee dalka.

Dhinacyada hadda isugu tegay Nairobi ayaa go’aamin doono maalinta uu dhacayo shirweynahaasi oo loo qorsheeyay ka hor 20-ka bishaan June inuu ka qabsoomo magaalada Kismaayo amaba Garoowe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Kulankan ayaa ah mid liddi ku ah shirka uu ku baaqay Xasan Sheekh Maxamuud oo gogol u fidliyay mucaaradka iyo madax goboleedyada, taas oo la fuliyo inay qabsoonto wixii ka dambeeyay 15-ka June, iyada oo la tashi laga sameyn doono xaaladda guud ee dalka.

Mucaaradka ayaa horay Muqdisho ugu qabtay shirweyne ballaaran oo ay ku dhiseen madal ay ugu magac dareen Samatabixinta Soomaaliyeed, si ay ugu wajahayaan Villa Soomaaliya oo weli ku adkeysaneyso qorshaheeda ku aadan sidii dalka looga qaban lahaa qof iyo cod.

Dhaq-dhaqaaqa cusub ee mucaarada iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmo kahor Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay heshiis ku gaareen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kadib muddo ay kala maqnaayeen.

Labada hoggaamiye ayaa heshiis isfaham ah waxa ay ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Soomaaliya, kadib kulamo gaar ah oo ay ku yeesheen gudaha Imaaraadka, waxayna hadda ku ballameen in mar kale ay isla jaan-qaadaan, maadaama ay mar labaad isku keentay daruuf isku mid ah oo kasoo wajahday dhinaca dowladda dhexe.

Waxaa kale oo ay labada madaxweyne isku raaceen in ay xoojiyaan wada-shaqaynta labada maamul iyo in ay mowqif mideysan ka yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha’ahaatee, Waxaa heshiiskan dhex-dhexaadiyey dowladda Imaaraadka Carabta, oo indhowaanahan faro-gelin qaawan ka wadday gudaha Soomaaliya, taasi oo labada dhinac u sahleysa inay iska kaashadaan danaha Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News