26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Beesha Habar-Gidir oo ka deyrisay arrin uu wado Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Guuleed uu caqabado kala duwan ku hayo Beesha Habar-Gidir ee uu kasoo jeedo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guuleed uu Beeshiisa ka hor istaago in madaxweyne Xassan Sheekh ay ka dhameystaan howlahooda gaarka ah, waxaana la sheegayaa in wakhtiga la joogo uu Xassan arrimaha Beeshaasi kala tashto C/kariin Guuled.

Siyaasiyiin, Odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir, gaar ahaan dega deegaanada Galmudug, ayaa xaqiijiyay in Guuleed uu ka dhuunto reerkiisa islamarkaana uusan maqal wixii iyaga khuseeya.

Waxa ay sheegen in Siyaasada uu ka fahmay in dib loogu soo laabto reerka, balse waxa ay cod dheer ku sheegen inay adag tahay in muddo intaa kasii badan uu xilka hayo.

Waxa ay sheegen in Guuleed uu u go’ay keliya Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh islamarkaana ilaabay reerkiisa, iyaga oo cadeeyay inay qaadan doonaan go’aan kaasi lamid ah.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ayaa wada qorsho Mooshin looga keeni lahaa C/kariin Guuleed, waxa ayna arrintaani aawgeed kulamo uga kala socdaan Hoteel Makka Al-mukarama iyo magaalada Cadaado.
Maaha markii ugu horeysay oo ay Beesha dacwad ka keento Siyaasada C/kariin Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News