Xog: Cabdi Weli oo laalaya Faarax iyo Guuleed iyo taageero uu ka helayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa doonaya inuu Faarax Cabdul Qaadir ka reebo golaha wasiirada cusub, marka uu isku shaandheyn ku sameeyo wasiirada iminka jira, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Cabdi Weli, ayaa go’aankan qaadanaya isaga oo isku dayaya inuu inta badan beddelo wasiirada taabacsan madaxweynaha Soomaaliya ama ka tirsan kooxda Damu-Jadiid, xilli xiriirka labada dhinac uu aad u xun yahay.

Ilo-xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay iminka tahay tan ugu weyn ee khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u sabab ah, islamarkaana la isku mari la’ yahay.

Cabdi Weli ayaa bilihii dhowaa u muuqday nin xarriga ka goostay madaxweynaha, isaga oo xulufo la sameystay dhinacyo ay madaxweynaha hore isu khilaafsanaayeen sida Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe.

Sida wararku sheegayaan Cabdi Weli, ayaa sidoo kale iska caabiyey isku day uu madaxweynaha ku doonayo in xilka wasiirka caafimaadka ama waxbarashada uu ugu magacaabo Cabdikariin Guuleed, oo iska casilay xilkii wasiirka amniga qaranka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi Weli uu taageero ka helayo dalalka deriska ah oo madaxweynaha aysan isku fiicneyn iyo beesha caalamka oo ku cadaadineysa Xasan Sheekh inuu faraha kala baxo magacaabista wasiirada.

Waxaa xusid mudan in Faarax Cabdulqaadir uu yahay ninkii Cabdi Weli ka dhigay ra’iisul wasaare markii uu madaxweynaha u keenay, hase yeeshee sheekada ayaa u muuqata “Siyaasaddu ma lahan saaxiib joogta ah balse waxa ay leedahay dan joogto ah.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com