27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Cadow Cali Gees oo dagaal qarash badan la galaya Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Cadow Cali Gees, ayaa la sheegay in dagaal siyaasadeed oo qarash badan uu ku bixin doono uu la gali doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ilo ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online.

Cadow Cali Gees oo ka mid ahaa musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana helay 14 cod, ayaa la sheegay inuu ka carreysan yahay ballan ka baxyo madaxweynaha uu ku sameeyey.

Cadow Cali Gees ayaa madaxweyne Farmaajo siiyey codadkii xildhibaanada taageersanaa markii uu ka horey wareegga koowaad, waxaana qorshuhu ahaa in Farmaajo abaal-mariyo, taasi oo madaxweynaha uu uga baxay Cadow iyo dhammaan musharaxiintii kale.

Xildhibaan Cadow Cali Gees, oo kasoo ejeda beeshay Waceysle waxa uu doonayaa in la siiyo qandaraaska saadka ciidamada Amisom, oo uu haysan jiray balse uu ka qaaday Xasan Sheekh, taasi oo Farmaajo la sheegay in iminka uu isna ku gacan seeray.

Cadow oo ah maal-qabeen ayaa qorsheynaya inuu malaayiin dollar ku bixiyo sidii Farmaajo uu ugu kicin lahaa mucaarad xooggan iyo shacabka magaalada Muqdisho, isaga oo adeegsanaya xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaano badan oo lacag ka qaadanayaa ayaa la filayaa in dhowaan ay billaabaan inay idaacadaha iyo taleefishinada ka weeraraan madaxweynaha, ayaga oo u sugaya inta laga soo dhisayo golaha wasiirada cusub.

Cadow ayaa la sheegay inuu wacad ku maray inuu ka aargudan doono Farmaajo, inkasta oo aan la ogeyn waxa ay soo kordhin karaan xildhibaano idaacadaha ka dhalleeceeya madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News