Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi, ayaa jahwareer Siyaasadeed ka heystaa dhanka Siyaasada dalka, kadib markii uu ku fashilmay qorshooyinkii baryahaani danbe uu u joogay magaalada Muqdisho.
Qorshooyinka Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa kamid ahaa inuu kamid noqdo musharaxiinta maamulka loo dhisi doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana iminka lasoo warinayaa in caqabad xoogan ay kasoo food-saartay dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Kulamo uu horay ula qaatay Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Sh/Dhexe, kaasi oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo Jowhar, waxa ayna xogtu sheegeysaa in Cali Geedi uu rajo beel kusoo dhamaaday damicii uu ka lahaa maamulka cusub ee loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale deyr ka hor geeyay Cali Geedi, waxa uuna u sheegay in Dowladu ay qorshooyin kale la damacsan tahay Maamulka cusub ee loo dhisi doono labadaasi Gobol.
Madaxweyne Xassan ayaa isagu wata Xildhibaan Faarax C/qaadir waxa uuna caqabad u arkaa Cali Geedi oo isagu u hanqal taagaya in madaxweynaha maamulka cusub uu noqdo, waxa ayna taasi Xassan ku abuurtay shaki iyo dareen gaar ah.
Dhanka kale, Cali Geedi ayaa miciin biday in taageero uu ka raadiyo maamulada dalka qaar oo ay kamid yihiin Jubbaland iyo Puntland oo ay horay saaxiibo u ahaan jireen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]