Xog: Ciidamada Somaliland oo dhaawacay muwaadin ay dhulkiisa ka xoogeen

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay dhaawac culus u geysteen muwaadin ay dhulkiisa xooga kaga qaadayeen.

Ciidamadaasi oo ka tirsanaa kuwa Somaliland ayaa rasaas ku furay nin lagu magacaabo Cali Aw Maxamed Jaamac, kadib markii uu diiday in uu dhulkiisa dajiyo dad ay ciidamada boolisku ay ka soo rareen xero ay daganayeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qoyska muwaadinka dhaawaca culus loo geystay.

Dhaawacan culus ee ay ciidamadu u geysteen Cali ayaa imanaya kadib markii uu si weyn uga hor-yimid dalabka ay ciidamadu ku rabeen in dadkaasi ay dhulkiisa dajiyaan, kaasi oo ku yaala Koonfurta magaalada Hargeysa.

Ninkan iska leh dhulka ay ciidamadu dadka dajinayeen iyo weliba qoyskiisa ayaa diidmo adag kagala horyimida ciidamada, midaasi oo sababtay inay ciidamadu furaan rasaas sababtay in Cali lagu sameeyo qaliin culus oo saacado dhowr ah qaatay.

Qoyska Cali Aw Maxamed ayaa qaylo dhaan iyo baaq u soo jeediyay Mas’uulka ugu sareeya xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi, iyagoona ka dalbaday in laga soo gaaro ciidamada rasaasta ugu adeegsanaya dhulkooga.

Ilaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo laamaha am oo ku aadan iska hor-imaadkan sababay dhaawacaasi culus.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com