Xog: Ciidanka DF oo khilaaf iyo kala shaki dartiis usoo baneeyay furimaha dagaalka

Jowhar (Caasimada Online) – Militeriga Soomaaliya ayaa soo baneeyay degaano badan oo ka tirsan degmooyinka Jowhar, Raage-ceelle iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo dhowaan ay ka qabsadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ciidanka dowladda ay soo galeen Muqdisho kadib safar dheer oo dhulka ah oo ay kaga soo baxeen degaano badan oo dhaca Shabeellada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay usoo baxeen khilaaf saraakiisha dhaxdooda ah, kaas oo salka ku haaya kala shaki ciidanka soo kala dhaxgalay. Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka saraakiisha uu sii xoogeestay markii qarax lagu weeraray Korneel Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale. 

“Ciidanka waxaa istaagay wadashaqeyntii ka dhaxeysay waxaana kordhay kala shakiga u dhaxeeya waxayna ku sigteen in dhaxdooda dagaalamaan kadibna waa ka soo baxeen xarumihii,” ayuu yiri sarkaal kamid ah ciidankii ku sugnaa aagga Biya-cadde ee gobalka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo habeen hore soo gaaray Muqdisho.

Qaraxii lagu dhaawacay Saneey Cabdulle ayaa waxaa la tuhumayaa in gaarigii lagu fuliyey ay soo fasaxeen ciidanka Gor Gor oo ka amar qaatay madaxweyne Farmaajo, halka ciidanka lala beegsaday ay yihiin kuwii ka hor-yimid muddo kororsiga.

Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday degaanadii ay ka soo baxeen ciidanka dowladda, waxaana la sheegay in ay dileen dhowr qof oo ka tirsan dadka degaanka oo soo dhaweeyay ciidanka xoogga.

Wali Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kama aysan hadlin khilaafka ciidanka, waxaana jira in madaxda wasaaradda ay dareensan yihiin in muddo korarsigii Madaxweyne Farmaajo uu saameen weyn ku dhax yeeshay ciidanka xoogga dalka.