Cadaado (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha Galmudug uu amar siiyay xubnaha gudiga doorashooyinka dadban uga wakiilka ah Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed uu ku amray in xubnaha gudigaasi isaga baxaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Ilo ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa xaqiijiyay in amarkaasi uu bixiyay madaxweynaha Galmudug, waxaana la ogeyn ujeedada ka dambeysa.
Waxaa soo baxaya in xubnaha gudiga doorashada dalbadeen diyaarad ka kaxeysa magaalada Cadaado si ay ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.
Arintan ayaa kusoo adeysa iyadoo murun xoogan uu ka taagan yahay kuraasta qaar oo ay kusoo baxeen rag saaxiibo la ah Xasan Sheikh Maxamuud.
Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]