Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Xusein Guuleed ayaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku wareejiyay Liiska Xildhibaanada laga dhaadhiciyay inay u codeeyan.
Hogaamiyaha maamulka ayaa Madaxweyne Xasan u gacan galiyay Liiska 28 Xildhibaan oo la sheegay inay ka go’an tahay in codka ay siiyaan Xasan Sheekh.
Liiska loo gacan galiyay Xasan Sheekh ayaa waxaa ka muuqday Wasiir Mahad Salaad, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Saadaq, Mustaf Dhuxulow iyo mas’uuliyiin kale oo dhowr ah.
Liiska Xasan Sheekh loo gudbiyay ayaa waxaa la sheegay inay u badan yihiin Xildhibaano ka tirsan Kooxda Damul-Jadiid.
Sidoo kale, Xildhibaanada uu gudbiyay Hogaamiyaha Galmudug ayaa waxaa ka dhexmuuqday 16 Xildhibaan oo aan ka tirsaneyn Damul-jadiid kuwaasi oo wadahadal lagalay Guuleed iyo Xasan Sheek
Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa Xasan Sheekh u ballanqaaday in Xildhibaanada harsan muddo 7 Cisho gudaheeda uu kusoo xiragalin doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]