Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan BFS ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay isku khilaafsan yihiin diyaarinta mooshin cusub oo la xiriira weerarkii lagu qaaday Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa waxaa miiska u saaran Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Maxamed Cumar iyo Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare.
Xildhibaanada ololaha xoogiisa wada ayaa waxa ay kamid yihiin Guddiga arimaha Gudaha iyo Amniga Barlamaanka Somalia, kuwaasi oo ku doodaaya in la dhaqan galiyo Mooshin cusub oo lagula xisaabtamaayo labada Mas’uul.
Waxaa jiro Xildhibaano kale oo ka tirsan isla guddiga kuwaasi oo kasoo horjeeda in Wasiir C/risaaq iyo Tuuryare la horkeeno BFS, waxa ayna garabkaasi ku doodayaan in marka hore loo gudbiyo dalab ay ku qaabilayaan si ay wax uga weydiiyaan arrimaha amniga la xiriira, kadibna digniin lasiiyo.
Xildhibaanada aaminsan in la dhaqangaliyo Mooshinka ayaa sheegaya in la xisaabtanka Wasiirka amniga iyo Taliyaha NISA ay maslaxad u tahay amaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, bacdamaa 2 bil ee ugu danbeysay amaanka Muqdisho uu ahaa mid heerkii ugu hooreeyay gaarsiisan.
Xildhibaanada qaar ee taageersan Mooshinka ayaa la sheegayaa in Cabdiraxmaan Tuuryare ay ku maaganyihiin Mushaar la’aan la sheegay inuu dhigay Ciidamada NISA kuwaasi oo 3-bilba mar lasiiyo xuquuqdooda, halka xiliyadii hore ay mushaarkooda ku qaadan jireen si joogta ah.
Kala qeybsanaanta Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka qeybta Guddiga arimaha Gudaha iyo Amniga Barlamaanka ayaa kusoo beegmeysa xili Taliyayaasha amaanka ay ku mashquuleen qancinta reerkooda iyo Musuq-maasuq, taasi oo soo dadajisay Fashilka amaanka magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

