Muqdidisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan labaad oo magaalada Nairobi ku dhexmaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari iyo Xildhibaanada Mucaradka ee ku bahoobay Madasha Horusocod ee maalmo ka hor looga dhawaaqay magaalada Nairobi.
Kulanka labaad oo qaatay ku dhawaad laba saac ayaa la sheegay in Guddoomiyaha uu xakameyn waayay Xildhibaanada kadib markii uu cadaadis ku saaray inay dib ugu laabtan magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Jawaari ayaa Xildhibaanada ku amray inay degdeg ku gaaran magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, hayeeshee markii uu Jawaari isticmaalay erayo adag ayaa waxaa kulanka isaga baxay Xildhibaano farabadan kuwaa oo Guddoomiyaha ku eedeeyay inaanu daacad ka aheyn xalinta tabashada ay qabaan.
Xildhibaanada ayaa Jawaari u sheegay inaanu aqbali doonin in xujo looga dhigo inay ku laabtan magaalada Muqdisho, waxa ayna taa bedelkeeda sheegen inay heystaan fasax nasiino.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale Jawaari ka dalbaday inaanu u isticmaalin go’aano ku saleysan rabitaan Madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo, waxa ayna sidoo kale soo jeediyeen inuu ku hadlo afkiisa oo uusan adeegsan afka Madaxweynaha.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale la sheegay in Jawaari ay ku wargaliyeen inuusan qaadi karin mas’uuliyada tabashadooda balse uu yahay keliya mas’uul ka didsan muran Siyaasadeedka cusub.
Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay in kulankii labaad uu ku dhameystay buuq iyo diidmo uu kala kulmay Xildhibaanada Mucaaradka ee isku uruursanaaya magaalada Nairobi.
Geesta kale, Guddoomiye Jawaari aan wali ku guuleysan xalinta buuqa ka dhextaagan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaanada mucaaradka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]