26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog cusub: Maxaa sababay is-bedelka ku yimid C/Weli iyo xulafadiisa (Video)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Xildhibaannada taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa ugu dambeyn ogolaaday in mooshinka ka dhan ah xukuumadda la horkeeno baarlamanka, kadib markii ay saddex goor fowdeeyeen kullamadii baarlamanka.

Waxaa sidoo kale jira xog ay heshay Caasimada Online oo sheegaysa in wada-hadal uu u socdo madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha, lana filayo in Cabdi Weli uu xilka iska casilo.

Dad badan ayay la yaab ku noqotay is-beddelkaan siyaasadeeed ee sida deg degta ah u dhacay, isna weydiinaya sida wax u socdaan. Barnaamij arrintaas ku saabsan ayaa TV-ga Royal waxa uu u qabtay aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ka jawaabaya sababta keentay isbeddelka iyo arrimo kale.

Barnaamijka oo uu daadihinayo weriye Maxamed Yuusuf Axmed hoos ka daawo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News