26.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Xog cusub oo ku saabsan qaraxi lagu dilay gudoomiyihi maxkamada gobolka SOOL

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Warar dheeriya ayaa ka soo baxaya qaraxii uu goordhoweyd ku geeriyooday Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland, Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha ayaa ku naf waayay qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu ka soo baxay xarun ay Wasaarada maaliyadu ku leedahay magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu gaarigu la qarxay isagoo ku sii jeeda Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Laascaanood, abaaro 5:35PM, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sida ay Caasimada Online ogaatay ma jirin qof kale oo Guddoomiyaha la saarna gaariga, xiligii uu qarxay.

Guddoomiyaha ayaa u naf baxay dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa loogu xiray gaarigiisa, midaasi oo sababtay in uu geeriyoodo xili lagu howlanaa u fidinta gargaar deg-deg ah.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markiiba gaaray goobta qaraxaasi, iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan dhacdadan, maadama ay deegaanada Somaliland ay ku cusub tahay in Mas’uul gaarigiisa loogu xiro qarax.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amniga oo ku aadan qaraxan, walow aan xiriir aan la sameynay Saraakiisha amaanku ay ku gaabsadeen in qaraxa lagu wado baaritaan.

Ilaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi, oo noqday mid cabsi badan ku abuuray Mas’uuliyiinta Somaliland, gaar ahaan Hay’adaha garsoorka oo uu ka tirsanaa marxuumku.

- Advertisement -

Read more

Local News