25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Xog cusub: Xagguu ahaa bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarkii DusitD2?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka Dalka Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay cidda lala bartilmaameedsanayay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi.

Mawira Mungania, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Gaarka ah ee Kenya ayaa sheegay in beegsiga weerarkaas uu ahaa shir ay dowladda Mareykanka soo qaban qaabisay oo lagu waday in uu ka dhaco Hotelka.

Mawira Mungania ayaa sheegay in shirkaasi daqiiqadihii ugu dambeeyay ee weerarka ka hor laga beddelay hotelka Dusit, islamarkaana loo wareejiyay meel kale.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Ragga Hotelka weerarka ku qaaday ay u suuragali weysay in ay tagaan hoolka shirka lagu qaban lahaa kaddibna ay isku qarxiyeen banaanka inta kalena ay dhismayaal kale ka dhexdagaallameen.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weerarkaas la soo afjaray saaka,waxaa uu sheegay in 14 Qof ay ku dhinteen,Raggii weerarka geystayna la dilay.

Waxaa uu Mr Kenyatta sheegay in dowladda Kenya ay billaabeyso howlgal ka dhanka ah kuwa weerarkaas ka dambeeyay, ciddii fududeysay,kuwa maalgeliyay iyo cidkasta oo uu raad galo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi

[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News