Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyninimo ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Sheekh Shariif uu tanaasul sameeyay.
Inta badan dadka reer Muqdisho ayaa isla dhexmaraaya in Sheekh Shariif uu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa.
Dadka qaar ayaa isla dhexmaraaya in Sheekh Shariif uu wadahadal la furay Madaxweynaha hadda jooga Xassan Sheekh Maxamuud, sidaana uu ku imaaday tanaasulka Sheekh Shariif.
Mid kamid ah Mas’uuliyiinta ka tirsan Xisbiga uu ka tirsan yahay Sheekh Shariif ayaa dhankiisa ka sheegay in mowqifka Sheekh Shariif uu wali yahay mid taagan.
Waxa uu sheegay in Sheekh Shariif uusan heysan sabab uu uga laabto qorshihiisa Doorasho.
Waxa uu intaa raaciyay in Been abuurkaasi ay faafiyeen Xubno ka tirsan Damul-jadiid, waxa uuna Meesha ka saaray in warkaasi been abuurka ah oo ay faafiyeen Damul-jadiidka uu saameyn ku yeelankaro Doorashada Sheekh Shariif.
Waxa uu nasiib daro ku sheegay in leyska faafiyo warar been abuur ah, waxa uuna carab dhabay in wararka noocaasi ah ay dhibaato abuuri karto.
Haddalka mas’uulkaani ayaa imaanaya xili inta badan magaalada Muqdisho leysla dhexmaraayo wararka ku aadan in Sheekh Shariif uu tanaasul sameeyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho