Xog: DF oo ciidamo dheeraad ah geysay wasaaradda warfaafinta xilli ay cabsi jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Koofiya-casta ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha ka agdhow ayaa ciidan dheeraad ah geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ku taalla kasoo hor jeedka taliska booliska Soomaaliya ee Kumaanda Buluusiya. 

Ciidankaan dheeraadka ah ee la geeyay ayaa la sheegay in ay xoojin doonaan ciidan kooban oo markii hore halkaasi ku sugnaa, kuwaas oo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxaana arrintaan lagu sheegay amar ka soo baxay Villa Somalia. 

Ciidanka dheeraadka ah ee maalmo kahor la geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku dhax yaalaan xarumaha Warbaahinta Qaranka, sida SNTV, Radio Muqdisho, SONNA iyo Radio SNA ayaa ah ciidan haysta hub culus iyo mid fudud. 

Qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan wasaaradda lagu soo kordhiyay markii ay Golaha Shacabka Muqdisho kaga dhawaaqeen muddo korarsiga dowladda islamarkaana uu dowladda ka goostay Janaraal Saadaq Joon. 

Khubarada amniga ayaa qaba in dowladu ka baqday afgambi ka dhaca Muqdisho, oo Farmaajo looga qaado xukunka sharci-darrada ah ee u uku joogo Villa Somalia.

Badanaa markii ay ciidamada sameeyaan afgambi waxay ka billaabaan Warbaahinta Qaranka, xarumaha Madaxtooyada iyo baarlamaanka, waana sababta ay dowladda u adkeysay ammaanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.