29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xog: DF oo diiday dalab uga yimid beesha caalamka oo ku wajahnaa m/goboleedyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii kulan madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo kana soo baxeen go’aamo dalbanaya in wadahadal laga yeesho arimaha masiiriga ah ee dalka, ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda Fullinta waxay go’aansadeen in wadahadal aysan ka galin dalabka maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka mudane Farmaajo ayaa qoraal dabacsan kasoo saarey warmutiyeedkii Madaxweynayaasha maamul, halka Ra’isal wasaare Khayre khudbad uu ka jeediyey Muqdishu uu diidmo dadban ka sameeyey dalabka Kismaayo.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in go’aanka rasmiga ah ee dowladda uu yahay inaysan marnaba wada-hadal ka gelin siyaasadda arrimaha dibedda dalka.

Xogta ayaa sheegeysa in kulan dhexmarey qaar ka tirsan wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho waxyar kadib go’aankii madaxda maamuladu kasoo saareen Kismaayo ku dhamaadey natiijo la’aan.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa soo bandhigey in dowladda ay wada-hadal la furto madaxda maamulada Soomaaliya balse diidey.

Wakiilka Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaan weli hadal kasoo saarin khilafka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka, waxayna isku dayayaan inay si hoose u dhammeeyaan xiisadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News