Xog: DF oo diyaarineysa musharax la loolama Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ka socda dadaalo lagu doonayo inay ku dhacdo doorashada maamulka Puntland oo ay ka harsan tahay muddo gaaban.

Doorashada la doonaayo inay ka dhacdo Puntland ayaa waxaa lagu dooran doonaa Hogaamiyaha bedeli lahaa kan iminka haya xilka Cabdiweli Gaas.

C/weli Gaas ayaa qudhiisa dadaal lixaad leh ku bixinaaya sida uu mar kale ku qabsan lahaa xilka Hogaamiyenimo, isagoo u adeegsanaayo dhaqaale uu ka helay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dowlada Federaalka ayaa dhankeeda Hogaamiyenimada Puntland u wadata musharaxiin horay uga soo qebqaatay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.

Dowlada ayaa rabitaanka koowaad ee xilkaasi siineysa Cali Xaaji oo kamid ah Siyaasiyiinka kasoo jeeda dhulka Puntland isla markaana miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, kana mid ahaa Musharaxiintii la tartameysay Farmaajo.

Rabitaanka labaad ee dowlada ayaa ah in Kursiga uu ku fadhiyo C/weli Gaas uu hanto Saciid C/laahi Dani oo isna horay ula tartamay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna iminka u taagan yahay doorashada Puntland, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Dowlada Federaalka ayaa aad uga soo horjeeda in C/weli Gaas uu kusoo noqdo xilka Hogaamiyenimo ee Puntland, iyadoo uu qorshuhu yahay in lagu bedelo Cali Xaaji ama Saciid C/laahi Dani midkood.

Warar hoose oo aan kasoo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa sheegaya in DFS ay doorashada Puntland ku bixineyso lacago farabadan, si C/weli Gaas looga tuuro xilka.

Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa qorshaha socda u adeegsan doonta xubno Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda deegaanada maamulka, isla markaana ku dhow dhow Hogaamiyaha loo diidan yahay soo laabashada C/weli Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com