24.7 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Xog: DF oo ku dhaqaaqeysa qorshaha Plan B ee Jubaland kadib fashilkii wada-hadallada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

3Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay bilaabto dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu tahay magaalada Garbahaarey, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadalladii magaalada Kismaayo ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulamo isdaba joog ah oo shalay galab illaa xalay ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isaga oo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay gelinkii dambe yeesheen shir socday saacado badan, kaas oo looga arrinsaday sida loo bilaabi karo dhismaha maamulka cusub.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanadii iyo wasiirradii joogay u sheegay in wadahadalladii Kismaayo aysan natiijo keenin, isla markaana aan la aqbali karin in Jubaland lagu sii hoggaamiyo qaab ka baxsan dastuurka federaalka.

Isla xalay, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isna shir kale u qabtay xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.

Tallaabadan ayaa imaneysa kaddib markii wadahadalladii Kismaayo ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, iyadoo labada hoggaamiye ay ku adkeysteen mowqifyadooda: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbanayay in Axmed Madoobe ka laabto doorashadii uu ku yimid, halka Axmed Madoobe uu ku gows adagaa in marka hore la aqoonsado doorashadiisa.

Wafdiyadii dhex-dhexaadinta ee ka socday Kenya ayaa sidoo kale Kismaayo ka ambabaxay, iyagoo ku laabtay Nairobi kaddib markii ay fashilmeen dadaalladii ay ku doonayeen inay labada dhinac is-fahamsiiyaan.

Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqata inay qaadatay go’aan siyaasadeed oo cad — in Jubaland dib loo dhiso, lana mideeyo gobolka Gedo oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.

Xaaladda Jubaland ayaa la filayaa inay sii cakirmi doonto maalmaha soo socda, iyadoo ilo wareedyo sheegayaan in dowladda ay qorsheyneyso in si degdeg ah loo dhiso maamul ku-meelgaar ah oo Garbahaarey saldhig u noqda.

Dowladda ayaa bilihii dhowaa gacanta ku dhigtay degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Gedo, waxayna haysataa taageerada beesha Mareexaan ee ugu badan gobolka, taasi oo sahleysa dhaqan-gelinta qorshahan cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu aysan mar dambe u dulqaadan doonin maamul goboleed aan ku dhisnayn sharci federaal ah, isaga oo faray xukuumadda in ay “si degdeg ah u bilowdo howlaha dhismaha Jubaland cusub.” 

- Advertisement -

Read more

Local News