25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Xog: DF oo qaadeysa tallaabo la xiriirta Dhuusamareeb kadib heshiiskii Qoorqoor

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ka dib markii Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ayay saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka magaalada Dhuusamareeb ka bilaabayaan dadaallo lagu xakameynayo hubka yaalla magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada Booliska, Nabad-sugidda iyo Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xoojinayo amniga xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Tani ayaa imaaneysa mar haddii xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashooyinka Galmudug, kaas oo bishii May xaalad amni-darro ka abuuray magaalada, xilli ciidamadii amniga ka wada shaqeynayay ay kala raaceen Madaxtooyada Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Muddadii uu khilaafku taagnaa, Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku adkeystay in Dhuusamareeb aysan gebi ahaanba ka bixin gacanta maamulkiisa, si uusan u lumin gorgortankii siyaasadeed ee ugu dambeyntii uu dhawaan ku aqbalay in wadahadal nabadeed lagu dhameeyo khilaafka maamulka iyo habraaca doorashada.

Tanaasulka Madaxweyne Qoorqoor ayaa Dowladda Federaalka u oggolaanaya inay xaddiddo dhinacyada hubeysan ee ku sugan magaalada, si halkaasi looga hoggaamiyo doorashooyinka Galmudug. Dhuusamareeb ayaa muhiim u ah hawlgalka xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo lagu wado inay doorashooyinka Galmudug ka qabtaan 11 magaalo oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Go’aanka Qoorqoor ayaa sidoo kale meesha ka saaraya hubanti la’aantii amni ee muddooyinkan ka jirtay Dhuusamareeb, taasina waxay dhabaha u xaareysaa in Dowladda Federaalka ay la wareegto ciidamadii isaga taageersanaa, kuwaas oo isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaad u badan beesha Dhuusamareeb oo hubka u qaatay in aan Qoorqoor xilka laga qaadin. Maleeshiyaadkan ayaa suurtagal ah in hub ka dhigis lagu sameeyo, ama lagu amro inay qoryaha guryahooda dhigtaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, iyo xubnaha kale ee la shaqeeya ayaa la filayaa inay ka hawlgalaan magaaladaasi, iyagoo maamulaya doorashooyinka xubnaha golaha deegaanka, xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo hoggaamiyaha Galmudug, oo lagu dooran doono Dhuusamareeb.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa inuu soo saaro jadwal cusub oo ku saabsan waqtiga la qabanayo doorashooyinka maamulkaasi.

Guddiga ayaa qorsheynaya inuu magaalada Dhuusamareeb ka bilaabo bixinta kaarka codbixinta, si loo siiyo dadkii isku diiwaangeliyay inay codeeyaan doorashooyinka golaha deegaanka degmooyinka iyo Baarlamaanka Galmudug.

Dad badan oo ku nool magaalooyinka waaweyn ee Galmudug ayaa isku diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan doorashada qof iyo codka ah ee 57 sano ka dib laga qabanayo gobollada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada lagu xakameynayo hubka Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay kuwo looga hortagayo in hubkaasi u gacan galo cid kale.

- Advertisement -

Read more

Local News