Xog: DFS oo u yeertay Saraakiil ka tirsan FBI-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxa Jimcihii shalay soo gaaray  Mas’uuliyiin ka socota Hay’ada FBI-da Mareykanka kuwaasi oo codsi Dawlada Soomaaliya udirtay ka jawaabayey.

Khubaradaan Mareykanka ah ee FBI-da ka socda waxay sheegeen inay Muqdisho uyimaadeen Baaritaan ay ku sameeyaan Shilkii Isbuucii hore qabsaday Diyaarada Daallo Airline xilli ay hawada ku jirtay meel ku dhaw Magaalada Muqdisho.

Shilkaasi waxa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay labo kale taasi oo hadda baaritaanka lagu sameenayo sida ay wax udhaceen ay Dawlada Soomaaliya Ajaanib uyeeratay.

Agaasimaha Duulimaadyada Rayidka Dawlada Soomaaliya C/waaxid  Cumar ayaa waxa uu sheegay xilli uu wareysi siinayey Tv-ga NBC in Soomaaliya ay codsatay baaritaankaan ay FBI-da soo faro gelisay.

Xubno Soomaali ah oo Dalka Ingiriiska lagu soo tababaray iyo Khubaro ka yimid Dalka Greega ayaa iyaguna la sheegay inay ka qeyb galayaan baaritaanka sida qaraxa uga dhex dhacay Diyaarada Daallo Airline Talaadadii lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com