XOG: Dhallinyaro rabtay in loo qoro ciidanka Somalia oo lagu dilay xerada Turksom

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan 2 wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa 500 oo dhallinyaro ah shalay tagay xerada Turksom ee Muqdisho. 

Dhallinyaradaan ayaa rabay in ay kamid noqdaan ciidamada Soomaalida ee uu tababaro Turkiga, waxaana la sheegay in laga qaatay 200 oo kamid ah dhallinyaradii tagtay goobtaas. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhalinyarada soo hartay oo gaaraya in ka badan 300 oo qof ay gadoodeen, islamarkaana ay isku dayeen in ay xoog ku galaan xerada Turksom si loo tababaro, waxaana kadib rasaas ku furay ciidankii ilaalada ka ahaa Saldhigga Turksom ee Muqdisho. 

Marka laga reebo geerida labada qof, waxaa sidoo kale dhaawacmay dad ka badan shan qof oo kale, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyada xogtan nala wadaagay.

Saraakiisha Turkiga iyo dowladda federaalka kama hadlin dhacdadan.  Caasimada Online oo xiriir la sameysay dowladda way ka gaabsatay, halka Turkish-ka aan heli weynay.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta shaqo la’aan xoog leh waxeyna dhallinyarada muddooyinkii ugu dambeeyay buux dhaafiyeen goobaha ciidamada laga qoro ee Muqdisho, si ay u helaan shaqo iyo nolal dhaanta tan rajo la’aanta ah.