25.6 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog dheeri ah oo kasoo baxeysa dagaalka SUUJ

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo deegaanka Suuj ee uu ka socdo Dagaalka Puntland kal dhexeeya maleeshiyaadka hubeysan ayaa sheegay in Gododkii deegaankaasi ku yiilay qeybo kamid ah laga sifeeyay maleeshiyada.

Malayshiyaadka ayaa u baxay dhanka Garmaal oo Eyl xigta oo ay jeex ku yaala galeen halkaas oo hadda lagu hareeraysan yahay, iyaga oo baxsad ah ayaa dagaalku ku socdey.

Maleeshiyaadka ayaa gododka kala baxay Hubkii ay wateen, waxaana lasoo warinayaa in meelaha qaar lagu arkaayo Meydad dhaawac ahaan u dhintay kuwaasi oo sababsaday rasaasta ay adeegsanayeen Ciidamada Puntland.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in habeenimadii xalay ay isa soo dhiiben ilaa 5 ka tirsan maleeshiyaadka ee ku jiray Godka Suuj kuwaasi oo iminka gacanta lagu hayo.

Shanta maleeshiyo ee isa soo dhiibay ayaa waxaa ka muuqanayay Gaajo iyo haraad xoggan sida ay sheegeen qaar kamid ah Saraakiisha.

Sidoo kale, Ciidamada Degmada Godabjiran ayaa gacanta ku dhigay nin dhaawac ah oo la sheegay inuu kamid ahaa maleeshiyaadka firxadka.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka difaaca Puntland ayaa sheegay in tirada diiday inay isa soo dhiibaan aysan hadda haysan gabbaad oo ay yihiin baxsad, kuwaas oo la soo afjari doono saacadaha soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News