Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa Qaraxii ka dhex dhacay Diyaarada Daallo Airlines ee maalin un ka hor kasoo degtay garoonka Aadan Cadde iyada oo dhinac ka holceyso.
Duuliye Vladimir Vodpopivec oo ahaa wadaha diyaarada ayaa marba marka xigta bixinaaya macluumaad ku aadan sababta diyaaradaasi ay usoo dhacday, waxa uuna sheegay in Dowlada Somalia ay waxbadan qarineyso, balse uu isagu yahay mid huba in diyaaradaasi lagu dhex qariyay Miino taasi oo markii danbe Qaraxday.
Duuliyaha oo 64-jir ah, ayaa mar uu u waramaayay Wargeyska maalinlaha ee Daily Blic ee ka soo baxa caasimadda dalka Serbia ee Belgrade ayaa xusay inuusan wax burbur ah soo gaarin halka laga hago Duullimaadka Diyaaradda.
“Halka laga kontoroolo duullimaadka ma burburin, waxaana awooday inaan soo laabto, kuna dego Garoonka, iyada oo inta badan dadku yihiin kuwo caafimaad qaba”
Duuliyaha oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Serbia waxa uu sheegay in mudada uu ahaa duuliye uusan arag khatar ama dhib lamid ah kan uu kula kulmay diyaarada Daallo Airlines , balse uu alle uga mahad celinaayo in khatartaasi uusan ku waxyeeloobin.
Qaraxa lagu dhex qariyay diyaarada ayuu sheegay inay tahay mid waxbadan laga shaqeeyay balse uusan orankarin shaqsi ama koox noocaasi ah ayaa falkaasi sameysay.
Wuxuu sheegay in Dowlada Somalia goorta uu kasoo degay Garoonka aysan iska xil qaamin qalqalka heystay dadka diyaarada saarnaa, waxa uuna tilmaamay inaan leysweydin cida Qaraxa ka danbeysay iyo cida fududeysay.
Warar ayaa waxay sheegayaan in maydka qof ka mid ah Rakaabka oo uu qaraxa ka dhex dusiyey mid ka mid ah Daaqadaha Diyaaradda ayaa laga helay Degmadda Balcad, sida ay caddeeyeen Maamulka Degmadda.
Maydka Marxuumkaasi oo ahaa Nin Oday waxaa shalay galab la keenay Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu qaraxu jarjaray qeybo ka mid ah jirkiisa.
Si kastaba ha ahaate dadku waxa ay isweydiinayaan sababta ay Dowlada Somalia uga hadli la’ dahay Qaraxyadii lagu bartay goobaha shacabka ee isku bedelay diyaaradaha, waxaana sidoo kale dhacdadaani ka hadal maamulka shirkada Daallo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]