25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Xog dheeri ah oo laga helayo nin ajnabi ah oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa dhacdo maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in laga shakiyey, sida ay ilo-wareedyo ku sugan u sheegeen Caasimada Online.

Ciidamada ilaalada garoonka, ayaa qabtay ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin isaga oo raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, kadib markii lagu arkay boorsooyin laga shakiyey.

Ninkan, oo watay saddex boors oo waa weyn, ayaa la sheegay  in lagu joojiyay qeybta baarista kadibna ay goobta soo gaareen ciidan khaas ah oo ka mid ah kuwa miina baarista iyo qeyb kale oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Intii ay socotay baarista ayaa la sheegay in boorsooyinkiisa laga helay sunta dadka ka ilmeeysiisa, waxaana lagu wareejiyay ciidanka nabad sugidda oo hadda ku wada baaris.

Dhinaca kalana waxaa la sheegay in ruuxaan ajnabiga ah ee lagu qabtay garoonka in uu mar la shaqeyn jiray shirkadda SKA, oo maamuli jirtay garoonka, ka hor inta aysan kala wareegin shirkadda Favori ee Turkiga.

Xiriiro aan la sameeynay qaar ka mid ah hay’adaha ku shaqada leh ayaa waxa ay sheegeen in ay la xiriireen shirkadda lagu eedeynayo in uu la shaqeynayay, hase ahaatee ay iska dafireen in uu wax lug ah ku leeyahay.

Ilaa iyo hadda lama shaacin dhalashadiisa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay Mareykan, balse aan la hubin.

Ilaa iyo hadda hay’adaha amniga Soomaaliya wax war ah kama soo saarin dhacdadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.co

- Advertisement -

Read more

Local News