27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: Ethiopia oo ka hor-timid qorshihii Imaaraadka ee Somalia una yeertay….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka hor timid qorshe dowladda Imaaraadka Carabta wadatay oo ku saabsan Doorashooyinka Soomaaliya.

Qorshaha Imaaraadka oo ahaa in xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doorto musharax ay wadato, kana hor joogsato madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh inuu dib u soo laabto ayaa taageero ka helay dowladda Kenya, taasoo ka careysiisay Itoobiya oo lug weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa dhowaan tegay magaalada Addis ababa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo wararku sheegayaan inay Itoobiya u yeertay kadib socdaalkiisii Nairobi oo Itoobiya kala soo hadashay qorshaha dowladda cusub.

Sidoo kale waxaa magaalada Addis looga yeeray oo iminka ku sugan Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo isagu la filayo inuu yahya inka ay wataan Imaaraadka iyo Kenya, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhammaantood loogu yeeray arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa la sheegay inay si weyn uga hortimid qorshaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo xilli danbe ku soo beegtay faragelinteeda, waxaana la ogyahay in socdaalkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Itoobiya uu ka dambeeyay shirkii Dubai ee Imaaraadka Carabta ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News