26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: ETHIOPIA oo qorshe cusub ka damacsan Somaliland iyo Jubaland (Somalia yaa u maqan)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia oo ah cadowga koowaad ee ummada Soomaaliyeed ayaa waxay wadaa iney kala disho ummada Soomaaliyeed, waxayna marka si dhow ula safaneysaa maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya oo la aaminsan yahay iney iyada ka dhistay gayiga Soomaaliyeed.

Ethiopia ayaa dad badan oo Ethiopian ah ku daabushay deegaanada Somaliland, kuwaasi oo haatan qabanaya howlo kastaa oo ay qaban lahaayeen dadka danyarta ah ee kusugan deegaanada Somaliland.

Qaar kamid ah mashaa’iqda Somaliland ayaa horey u sheegay in magaalada Hargeysa ay ku sugan yihiin dadkii ugu badnaa oo Ethiopian ah kuwaasi oo qabta howlaha loogu talo galay dadka danyarta ah ee Hargeysa jooga, sida uu horey u sheegay Sheikh Aadan Siiro.

Haatan ayaa magaalada waxaa laga dareemayaa iney kusii badanayaan dadka Ethiopian-ka ah kuwaasi oo mehrado yaryar iyo kuwo hadda kobcaya kuleh magaalada Hargeysa.

Waxyaabaha laga baqayo sanado badan kadib ayaa ah in Ethiopia ay Somaliland ka dhigto gobol kamid ah sida kililka Shanaad, waxaana  dadka caqliga u saaxiibka ah ay ka digayaan arintaasi.

Ethiopia ayaa dhawaan Somaliland la saxiixatay hishiis dhigaya iney isticmaali karto dekada magaalada Berbera.

Dhinaca kale Ethiopia ayaa qorshe ka damacsan deegaanada Jubbaland, iyadoo ciidamadii ugu badnaa geysay deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ujeedada ugu weyn ee Ethiopia ka leedahay deegaanada Jubbaland ayaa lagu sheegayaa iney tahay iney dooneyso in Kenyan-ka ka saaraan Jubbooyinka oo ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo iney ka faaideystaan dekada magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News