26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

XOG: Ethiopia oo tababar qarsoodi ah siineysa ciidan dagaal kula jira S/Land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia ay duleedka Gobolkaasi si qarsoodi ah tababaro ciidan ugu siinayaan Ciidamo la sheegay inay kasoo horjeedan Maamulka Somaliland.

Ciidamada tababarka la siinaayo, ayaa la sheegayaa inay ka amar qaatan Suldaanka Beelaha Gobolkaasi dega, iyadoona Ujeedka ciidamadaasi loo carbinaayo ay tahay inay si rasmi ah uga go’aan Maamulka Somaliland oo xiligaani ay colaad kala dhexeyso.

Warar hoose oo halkaasi ka imaanaya ayaa tibaaxayo in Saraakiishaasi ay tababar siinayaan ciidamo tiradooda lagu sheegay ilaa 1,000 ciidan oo ay ku mideysan yihiin Beelaha wada dega Gobolka Awdal Stete.

Maamulka Somaliland iyo Dowlada Ethiopia ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan waxaana intaa barbar socda tababaro ay Saraakiisha Ethiopia si qarsoodi u siineyso Ciidamadaasi lidka ku ah Maamulka Somaliland ee isku baheysanaaya duleedka Awdal, taasi oo ah arrin cusub.

Ugu dambeyntii Ciidamada Awdal oo iyagu aaminsan qadiyada Somalia, ayaa waxa ay diyaar u yihiin inay u dagaalamaan qadiyadooda Soomaalinimo, ayaga oo kasoo horjeeda madax banaanida gacan ku rimiska ah ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News