27.9 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Xog: Ethiopia oo u yeertay Gaas, si loogu amro…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali ayaa la filayaa in maanta uu u duulo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, sida xogta aan ku heleyno.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegayaa inuu casuumaad ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, waxaana wararku sheegayaan in lagu amri doono inuu aqbalo 4.5

Sida wararka aan ku heleyno safarka madaxweyne Gaas waxaa la filayaa iney qeyb ka noqdaan  xubno kamid ah wasiirada iyo baarlamaanka maamulkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa dhawaan magaalada Garowe wuxuu kulamo kula qaatay wakiilo ka socdo beesha caalamka kuwaasi oo uu u sheegay in marnaba uusan isbedelin mowqifka maamulka Puntland ka qaadatay doorashada ka dhaceyso Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa shaaciyay in isaga wali ku dhagan yahay go’ankii uu ka qaatay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in qaab qabiil lagu soo dooranayo.

Waxyaabaha kale ee lagala hadlayo ayaa waxaa kamid ah madaxweyne Gaas go’aanka rasmiga ee uu qaadanayo haddii ay is fahmi waayaan madaxweynaha Puntland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, maadaama wali aysan isku fahmin xalinta murunka labada dhinac u dhaxeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News