Muqdisho (Caasimada Online) – lo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiirada cusub qaarkood ay cabasho kasoo gudbiyeen Wasiirkii hore ee Cadaalada Faarax C/qaadir, oo ah saaxiibka rumaad ee Xasan Sheekh.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia uu hor istaagay kulamo u dhexeeyay Wasiiro iyo Madaxweynaha, taasi oo wasiirada ka carreysiiyey.
Sidoo kale, Faarax C/qaadir waxa uu Xoghayeenada Madaxweynaha ku amray inaan lasii deyn karin Wasiiro iyo wasiiro xigeeno howlo uga baahan Xafiiska Madaxweynaha, isagoona shuruud uga dhigay inay warqado kasoo qaatan Xafiiska Ra’isul wasaaraha waa haddii ay doonayaan inay qaabilaan Madaxweynaha.
Arrintaani ayaa waxa ay walaac ku noqotay Wasiirada Xukuumada R/W CC oo badankooda aan horay u arag habdhaqanka Faarax C/qaadir mana jirto cid ilaa iyo iminka uga jawaab celisay sababaha keenay in laga hor istaago Xafiiska Madaxweynaha.
Tani ayaa waxa ay muujineysaa inay weli jirto Awooda Faarax C/qaadir oo aan xiligaani xil ka heyn DF Somalia markii laga reebo saaxiibtinimada kala dhexeyso Madaxweyne Xasan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com