26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Faarax C/qaadir oo isku sharxaya xilka guddooonka BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ay si aad ah isugu dhowyihiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Faarax oo ka soo jeeda beesha Shanaad ayaa u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay tahay tallaabo lama filaan ah oo aan hore loo fileyn.

Musharaxnimada Xildhibaan Faarax oo hore u soo noqday wasiir, isla markaana ah saaxiibka koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo baxday maalmihii ugu danbeeyay, waxayna la sheegaya inuu wado olole xooggan oo arrintan ku aadan.

Jagada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa noqoneysa tan ugu adag ee lagu loolamo iyadoo ay hadda u sharxan yihiin 4 musharax oo si rasmi ah u gudbiyay araajidooda, lana filayo in ugu yaraan 2 kale ay ku soo biiraan.

Si kastaba, Faarax ayaa la rumeysan yahay inuu haysto dhaqaale ku filan iyo taageerada xildhibaanada ku xiran madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News