Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu hakiyay qorsho ay usoo bandhigeen madaxda Hay’adaha amaanka.
Qorshaha uu Madaxweynaha ka meermeerayo ayaa la sheegay inuu yahay saxiixida amar ay ciidamada Nabadeynta magaalada Muqdisho ku toogan karaan maleeshiyaadka Hubeysan ee ka biya diida Hub ka dhigista.
Madaxweynaha ayaa waxaa loo gudbiyay in ciidamada amaanka ee iminka ku howlan nabadeynta magaalada Muqdisho ay dhibaato badan kala kulmaan maleeshiyaadka Hubeysan ee aan kamidka aheyn ciidamada dowlada ama aan wadan aqoonsiyada.
Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in Farmaajo uu ka meermeerayo meelmarinta dalabka madaxda Hay’adaha iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay in saxiixida amarkaasi ay soo dadajin karto in Askarta qaar ay si aargoosi ah u dilaan.
Ciidamada amaanka ayaa magaalada Muqdisho kawada howlgal Hub ka dhigis ah oo laga sameynaayo waddooyinka magaalada Muqdisho, inkastoo ay jiraan ciidamo la socda Madaxda qaar oo diida inay dhigaan Hubka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan amar ku bixiyay in Hay’adaha amaanka ay ku dhaqaaqan howlgal Hub ka dhigis ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]