Xog: Farmaajo oo safar deg deg ah ugu baxaya Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu kulan deg deg ah berri ku aado magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caaismada Online u sheegay in madaxweynaha uu marti-qaad ka helay dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadli doonaa xiriirka labada dal, isbahaysiga ay wada dhisteen Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea, iyo arirmo kale pp gobolka ku saabsan.

Booqashadan ayaa imaneysa xiili xiisad ay ka dhex oogan tahay dowladda Eritrea iyo dowladda Qatar oo aad ay isugu dhow yihiin Villa Somalia, mana cadda sida booqashada madaxweynaha ay tan u saameyn doonto.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay soo saartay 28-kii November 2018 waxa ay ku eedeysay Qatar in dalkeeda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah.

“Kadib markii sanadkan ay Qatar ku guul darreysatay inay Sudan u adeegsato masrax ay kasoo qaado ficillo argagixiso oo ka dhan ah Eritrea, naf la-caarinimada Qatar sare ayey usii kacday ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Qatar ayaa iska diiday “eedeymahaas been abuurka ah”, waxayna sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn koox ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea “si wanaagsan uga war-hayso.”