Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa kulan khaas ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Kulanka labada mas’uul ayaa khuseeyay arrimaha doorashooyinka dalka, waxa uuna kulanka ahaa mid si gaara looga wadahadlay ololaha Cumar C/rashiid iyo Heshiiskii lagu gaaray magaalada Abu Dabai.
Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid ayaa Gaas mar kale ka dalbaday in Puntland ay garab ku siiso howlihiisa doorasho, marka laga soo tago Heshiiskii Abu dabai.
C/wali Gaas waxa uu Sharmaarke u sheegay in qorshihiisa mar hore loo soo gudbiyay, waxa uuna tilmaamay in Puntland aysan ka gaabin doonin taageeradiisa.
C/wali waxa uu intaa ku daray in Puntland ay taageero dhinac waliba u muujin doonto, balse dhankiisa looga baahan yahay inuu kasoo dhameeyo ololaha.
Gaas waxa uu Sharmaarke u ballanqaaday in ilaa xad ay gaarsiin doonaan Kursiga Madaxweynaha maadaama ololihiisa uu yahay mid ilaa heer caalami gaaray.
Docda kale, C/wali Gaas iyo Sharmaarke ayaa isla fahmay inaan taageero loo muujin Xassan Sheekh iyo Shaqsiyaadka dhankiisa ka socda.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com