27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Gaas oo 13 qodob oo uu ka tabanaayo DF usoo bandhigaya R/W C/Weli (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas, ayaaa wada hadalla xasaasi ah leh, kadib markii uu maanta Magaalada Garoowe safar ku gaaray Ra’isulwasaare C/weli iyo xubno ka tirsan labada gole.

Xogta aan ka heleyno Madaxtooyada Puntland ayaa sheegeysa in Madaxweyne Gaas uu ka tabanayo DFS, arrimo badan oo ku saabsan xiisadda labada dhinac ka dhex oogneyd dhowaanahan.

Madaxweyne Gaas dhaliilaha uu tabanaayo waxaa ka mid ah:-

1-Ix-tiraam la’aan lagu hayo Maamulkiisa.

2-Faragalin joogta ah, iyadoona loo soo adeegsanaayo maamulada dariska la ah.

3-Dhaqaalaha laga soo qaada Caalamka oo lala baal-maro Maamulka Puntland.

4-Mushaaraadkii DFS ay u ballan qaaday Ciidamada Maamulka Puntland oo aan weli la bixin.

5- La-tashi la’aan iyo shirarka DF ee khuseeya Arrimaha Gobolada oo aan laga qeybgalin Puntland.

6- Hadalada colaadaha dhalin kara oo ay Madaxda DFS hawada u marinayaan Maamulka Puntland.

7- DFS oo cadaadin dhanka Siyaasada ah dul dhigtay Maamulka Puntland, iyadoona kasoo xirxirtay ilihii ugu badnaa sida QM iyo Dowladaha deeqaha bixiya.

8- Haddalo aan Puntland waxba ka Ogeyn oo ay DFS ka baahisay.

9- Warqadaha ka baxa Xafiiska Madaxweyne Gaas oo aan laga aqoonsaneyn Xafiisyada DFS, gaar ahaan kan Xasan sheekh.

10- DFS oo Galmudug ku bixineyso dhaqaale si meesha looga saaro Arrimaha Puntland.

11- Faragalin dhanka soo saarista Bitroolka ku jira Deegaanada Puntland oo ay DFS is hortaagtay, warqado arrintaasi khuseeyana u gudbisay Beesha Caalamka.

12- Awood qeybsiga oo lala baal-maray Maamulka.

13- DFS oo jartay Booqashooyinka Deegaanada Puntland iyo u kuurgalida xaaladaha ka jira.

Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo aan ka helnay xogta ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Gaas uu Ra’isulwasaaraha Somalia usoo bandhigayo Qodobadaasi, isagoona ku tilmaamay mid shaki galin karta inuu dib usoo laabto xiriirka DF iyo Puntland.

Waxaa cad in dhammaan eedeymahaas aysan dowladda la qabin Puntland, ayna Puntland xiisadda sii xumeeneyso. Cabdi Weli ayaa maalmo dhowr ah joogaya Puntland, waxaana la filayaa in dhammaan qodobadaas uu la faaqido Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News