26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Goorma ayuu CC hor-tagayaa BF?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal Wasaaraha dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacad Barlamanka hor tago si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

Ilo-wareedyo ka ag dhow xafiiska Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xaqiijiyey warkaan.

Wararka ayaa tibaaxaya in badi xildhibaanadu codka kalsoonida siin doonaan Sharmaarke oo isagu horay ra’isal wasaare uga soo noqday dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Sheekh Axmed.

Shalay ayaa Jawaari iyo Cumar Cabdirashiid waxa ay la kulmeen xildhibaano badan oo diidanaa isaga, ayaga oo codadkooda kaga iibsaday lacag.

Todobaad kahor ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabay ra’isal wasaaraha cusub kadib markii horraantii bishan December Barlamanku kalsoonida kala noqday Ra’isal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed. –

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News