Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta ganacsiga maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Baarlamaanka maamulkaasi uu wado dhaqdhaqaaq qalqal galinaaya kursiga madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xusein Gulleed.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada qaar uu kulamo uga socdo Hoteelada ku yaalla magaalada Cadaado, halka qaarkoodna ay ku shirayaan magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa wada diyaarinta Mooshin ka dhanka ah madaxweynaha maamulka, waxaana lasoo warinayaa inay ka biyo diidan yihiin kulan gaar ah uu ka dalbaday Gulleed si ay uga wada xaajoogan arrimaha dhaliyay Mooshin diyaarinta.
Mid kamid ah Xildhibaanada oo u xog waramaayay shabakada Caasimada Online, ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay ka siman yihiin diyaarinta Mooshinka waxa uuna tibaaxay in Gulleed uu ka talaabaayo xadkii loogu tallo galay.
Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in maamulka Galmudug uu madaxweyne ka yahay Gullee, halka awooda wasiirada iyo kan Baarlamaankuna uu isaga dusha ku ritay islamarkaana uu gaaray heer uu ka meer-meero kulamada Wasiirada iyo kan Baarlamaanka.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Xildhibaanadu ay badsanayaan tirada, islamarkaana ay qorsheynayaan in Gulleed ay horkeenaan Baarlamaanka si uu yiri wax looga weydiiyo meer-meerkiisa badan.
Geesta kale, waxa uu ballan ku qaaday in C/kariin Gulleed ay meel uga soo hari doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]